U bood dhigaalka

Xildhibaan Goodir “ Baarlamaanka Waxa Uu Soo Saari Doonaa Sharci Maamul Gobaleedyada Uga Bixi Doonaan KMG”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim Goodir oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya ay ka sugayaan sharci ku saabsan maamul gobaleedyada kaasi oo uu sheegay in uu hagi doono maamullada.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in wasaaradda arrimaha gudaha hadii aanay keenin sharcigaasi baarlamaanka uu u saari doono guddi gaar ah, kaasi oo sharcigaan soo sameeya, islamarkaana waxa uu hoosta ka xariiqay in maamul gobaleedyada ay uga bixi doonaan KMG marka sharciga la sameeyo ayna maraan waxa uu farayo.

“Waxaa dhawaan wasaaradda arrimaha gudaha laga sugayay inay soo gudbiyaan sharcigii maamul gobaleedyada, hadii ay sameyn weyso baarlamaanka ayaa guddi soo sameeya u magacaabi doona, maamul gobaleed walba waxa uu soo mari doonaan sharcigaasi, kaas ayaana loo hogaansami karaa, waxa hadii ay yihiin KMG sharci ma ahan, sharciga hadda ayaa la sameynayaa dhammaan wey wada marayaan, ciddii ku guuleystay KMG ayeey ka baxaysaa oo maamul gobaleed ayeey maraysaa, ciddii aan ku guuleysan shuruudahaasina waxaa la dhihi doonaa soo dhameystir” ayuu yiri xildhibaanka

Dhinaca kale xildhibaan Goodir ayaa mar uu ka hadlayay dhaliilaha ay qabaan qaar ka mid ah dadka kasoo jeeda maamul gobaleedyada dalka ka jira ayaa sheegay in ay la socdaan wax walba, islamarkaana aanu jirin xilligaan maamul lasoo dhisay misane eed la’aan ah.

Waxaa dhawaan magaalada Jowhar ka billaaban doona shirka maamul u sameynta gobalada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Goobjoog News