U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Cawad Cashara Oo Nasiib Darro Ku Tilmaamay Mooshinka Laga Keenay Madaxweynaha

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Hore Cawad Axmed Cashara oo ka hadlay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xilligaan ay nasiib darro tahay mooshinka laga keenay madaxweynaha.

Isaga oo u waramay Goobjoog News ayuu tilmaamay in hadda dalka howlo badan ay ka socdeen, islamarkaana laga doonayo xildhibaanada baarlamaanka inay eegaan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Mooshinkaan ayuu ku sheegay inuu yahay mid lagu doonayo in dalka dib loogu dhigo, isaga oo madaxweynaha ugu baaqay inuu iska difaaco mooshinkaasi.

Dhinaca kale xildhibaan Hore Cawad Cashara ayaa kula taliyay madaxweynaha Soomaaliya in shaqada uu joojiyo inta uu meel saarayo mooshinkaan, islamarkaana la kala ogaanayo waxa lagu haysto run ahaanshiyahooda ama beenintooda.

“Mooshinkaan madaxweynaha aniga hadda uma arko mid dalka wax u keeni karta, waa mooshin la doonayo in dalka lagu qalqal geliyo, madaxweynaha waa in uu iska difaacaa mooshinkaasi oo qareeno diyaarsadaa, waxaan kaloo kula talinayaa madaxweynaha inuu shaqada joojiyo maadaama eed weyn loo soo jeediyo illaa uu meel saaro waxa lagu soo eedeeyay” ayuu yiri Cawad.

Ugu dambeyn xildhibaan Hore Cawad Axmed Casharada ayaa qalad aad u weyn ku tilmaamay mooshinka kale ee habeen kahore loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka, kaasi oo looga soo horjeedo mooshinka madaxweynaha laga keenay.

Goobjoog News