U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Daahir Cirro Oo Sheegay In Ra’iisul Wasaaraha cusub Laga Doonayo Dar Dar Gelinta Dhismaha Maamulada Federaalka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

CiiroDaahir C/qaadir Muuse (Daahir Ciiro) oo ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka KMG ahaa, ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka looga fadhiyo in uu dar dar geliyo dhismaha maamulada Federaalka ee Dalka, maadaama hadda dowladda jirta ay tahay Federaal.

Wuxuu tilmaamay iyadoo aysan dhicin rabshado iyo iska hor imaadyo loo baahan yahay in laga qeyb qaato dhismaha maamulada sameysmaya, sheegayna in Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ay hortaalo shaqooyin badan.

“Dalka 2016 waxaa la doonayaa in la gaarsiiyo doorasho, shaqooyin badan ayaa ka horeeya, waqtiga haray waa Sanad, waxaa loo baahanyahay in shaqooyinkaan loo wajaho si adag, Cumar waa nin aan is leeyahay waa uu kasoo bixi karaa” ayuu yiri Daahir Cirro.

Dhanka kale waxa uu sheegay in Cumar Cabdirashiid uu horay wax usoo qabtay, islamarkaana xilligaan uu yahay nin aan looga sheekeyn karin xaaladda dalka uu kujiro, islamarkaana uu ogyahay shaqooyinka horyaala.

Ra’iisul wasaaraha magacaaban Cumar Cabdirashiid ayaa hadii ay aqbalaan xildhibaanada Baarlamaanka, waxa uu soo dhisi doonaa xukuumad taasi oo haysta muddo Sanad ah marka loo eego xilligi hiigsiga dalka ee 2016, waxaana horyaala shaqooyin aad u badan.