U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Hilowle Aadan Oo Ka Mid Noqday Musharraxiinta Jubbaland

Sheeko:Dalka

Hilowle Aadan Maxamed oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaankii KMG ahaa, kana mid ah aas aasayaashii maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, waxa uu kaga dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan qabashada xilka madaxweyne ee maamulkaasi.

Munaasabad ka dhacday magaalada Kismaayo, kana qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale ayuu mas’uulkaan ka sheegay inuu yahay shaqsi doonaya inuu qabto xilka madaxweyne ee Jubbaland.

Hilowle Aadan ayaa tilmaamay in tani ay ka dambeysay ka dib markii uu isku arkay inuu yahay shaqsi wax badan ka qaban kara deegaanada maamulkaasi uu ka arrimiyo.

Hadii uu xilkaasi helo ayuu sheegay in waxyaabo badan uu qaban doono, sida wax ka bedalka amniga, dhismaha ciidamada, dhismaha wadooyin badan oo muhiim ah iyo arrimo kale.

Ugu dambeyn Siyaasi Hilowle Aadan ayaa ugu baaqay xildhibaanada Jubbaland in ay codkooda siiyaan, si isbedal badan uu u keeno.

Musharraxiin badan ayaa isku soo taagay qabashada xilka madaxweynaha Jubbaland, iyadoo maalinta berri ah ay ku egtahay qabashada araajida musharraxiintaasi.

Goobjoog News