U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Oo Eedeeyay Madaxda Puntland

Sheeko:Dalka

Xildhibaan hore Daahir Ciirro ayaa madaxda maamulka Puntland ku eedeeyay in aysan xil iska saarin waajibaadka shaqo ee ay leeyihiin.

Siyaasi Daahir Ciirro ayaa dhaliilay qaabka ay ammaanka ku sugayaan ciidamada amniga Puntland iyadoo ay kordheen dilalka ka dhacaya magaalooyin ka tirsan maamulkaasi.

Waxaana bishaan gudaheeda la diley afar masuul oo ka kala tirsan, madaxtooyada Puntland, xeer ilaalinta iyo booliska.

Daahir Ciirro ayaa madaxweynaha Puntland Gaas ku sheegay inuu dayacay xafiiskiisa Garoowe.

“Waajibaad dastuuri ah oo qoraya inay Xamar iska joogaan ma jirto, marka waxa weeye waa wax ku yimid hab qaldan, waxay ka cararayaan oo Xamar ay u wada fariisteen shaqadii iyo waajibaadkii Puntland ka saarnaa, Cabdiweli Gaas waxaa horyaalla su’aalo badan sidaas buu uga cararayaa Puntland oo uu Muqdisho u fadhiyaa” ayuu yiri Daahir Ciirro.

Dhanka kale, siyaasiga ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdxakiin Cameey oo uu ku tilmaamay inuu galay qiyaano qaran islamarkaana magaalada Muqdisho uu u joogo sadbursiga xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya gobollada waqooyiga.

“Habkaan Puntland oo masiirkii la aruuriyay sanadkii 1991 ayay kamid yihiin gobollada Sool iyo Sanaag, Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ka soo jeedaa Buuhoodle ma ahan in gobollada waqooyi uu dantood ka shaqeeyaa ee waxa weeye dastuurka Puntland inuu ku shaqeeyo, qiyaano qaran galay oo habkii dastuurka oo uu madaxweyne ku xigeenku ku ahaa uu ku gefay” ayuu yiri xildhibaan hore Daahir Ciirro.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmihii dambe ay kordheen falalka amni darro ee ka dhacaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyadoo weli tallaabooyin muuqda aynaan ka qaadin arrimahaasi talisyada ciidanka ee nabadgalyada sida booliska.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada