U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore oo Ka Hadlay Xalka Ugu Habboon ee Lagula Dagaalami Karo Sicirbararka

Sheeko:Dalka

Siyaasi  Daahir Cabdiqaadir Muuse “Daahir Cirro” oo horey uga mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xalka ugu habboon ee lagula dagaalami karo sicirbararka ka jira deegaannada Puntland.

Siyaasi Daahir Cirro oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ugu horreyn ka hadlay in mushkiladda dhanka lacagta ah ee deegaannada Puntland ay salka ku hayso Bankigii dhexe ee Soomaaliya oo magac u yaal noqday wax shaqo ahna aan ka qaban meel ka baxsan Muqdisho.

“Masiirka waxaa loo uruurinayo oo loo mideeyay waa ka mid in wixii dhib ku ah shacabka loo shaqeynayo in laga fakaro, hay’adda u qaabilsan xagga lacagaha oo la doonayay iney qoondeyso oo maciishadda ka fakarto waana Banki Dhexe, waxaan ogsoonahay in Bankiga dhexe uusan ahayn active oo shaqada sidii la rabay uusan u galin, inuusan ka furneyn dhamaan gobolladii dalka, isagoo macag u yaal ah ayuu magaalada muqdisho ka furan yahay”, ayuu yiri siyaasi Cirro.

Waxa uu soo jeediyay xalka ugu wanaagsan ee sicirbararka lagu daweyn karo, isagoo dadka shacabka ah ugu baaqay iney kacaan oo arrimahan ay ka mudahaaradaan si ganacsata cadaadis loo saaro:

“Lacagaha cusub qof kasta oo Soomaali ah lacagta cusub oo kaliya ha lala diriro say u yaraato oo tan duugga ah loo isticmaalo, dabadeed lacagtii qiimo ayay yeelaneysaa, sida loola diriri karaana waa dadka shacabka ah waxaa loo baahan yahay iney kacaan oo maslaxaddooda ilaashadaan”.

Xildhibaan hore Daahir Cirro ayaa ka hadlay makiinado lacagta Shilin Soomaaliga lagu sameeyo oo yaalla Burco iyo Boosaaso:

“Walow aanan goobta lagu sameynayo arag, laakiin hadaaqa shacabka waxaa la sheegayaa in xagga Burco ay ka timaaddo lacago lagu sameeyo oo Shilin Soomaali faalso ah, waxaa la sheegayaa in Boosaaso lagu sameeyo”.

Si kastaba, deegaannada Puntland ayaa waxaa ka jira sicir-barar xooggan oo dadka shacabka ah aad u dhibaateeyay, dadka danyarta ahna si gaar ah u taabatay, iyadoo sicirbararlkaasi ka dhashay lacago fara badan oo lagu soo daayay suuqyada.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada