U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Oo Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Aas ay ka soo qeyb galeen Xildhibaanno, mas’uuliyiinta dowladda federaalka ah iyo shacabka badan ayaa shalay loo sameeyay Xildhibaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Maxamud Samatar oo ku magac-dheeraa Shukri Shaarweyne, kana tirsanaa xildhibaanadii dowladdii KMG aheyd  ayaa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Qoraal ay heshay Goobjoog News waxaa lagu sheegay in Xildhibaanka u xanuunsanaa Sonkor, isla markaana uu muddo la xanuunsanaa, sababtaana u geeriyooday.

Marxuum Maxamed Maxamud Samatar waxaa uu ifka uga tagay hal gabar.

Goobjoog News