U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Oo Musuq Ku Eedeeyay Madaxda Puntland

Sheeko:Dalka

Xildhibaan hore Daahir Muuse Ciirro ayaa madaxda maamulka Puntland ku eedeeyay inay Musuqeen lacagihii loogu talogalay dadka abaaruhu asiibeen ee ku sugan deegaannada maamulkaasi uu ka arrimiyo.

Waxa uu sheegay Ciiro oo ku sugan Garoowe in madaxda Puntland lagula xisaabtamayo qarash walbo oo la doonayey in lagu bixiyo abaarta, sidoo kalena wax laga su’aali doono halka ay geeyeen mushaarkii ciidamada Puntland.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cameey ay masuqmaasuqeen  sida uu sheegay lacagihii loogu talagalay abaarta, mushaarka ciidamada iyo kuwa shaqaalaha dowladda.

Xildhibaan hore Daahir Ciirro ayaa ku baaqay in cadaaladda la horkeenno raggaasi islamarkaana aan looga harin lacagihii loogu talagalay dadka abaaruhu heystaan oo ay qaateen waa sida uu hadalka u dhigaye.

“C/weli Gaas iyo Ina Camey ayaa mas’uuliyadda wixii musuq ah ee dhaca is kaleh, waxaan ognahay ciidanka in cabasho badan ay gudbiyeen waxna aan laga qaban, qarash abaarta loogu talogalay ayeey xitaa raggan musuqeen, waana lagala xisaabtami doonaa” ayuu yiri Daahir Ciiro.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan maamul goboleedyada waxay u geysay min 150 kun  oo doolar oo loogu talogalay abaarta dalka ka jirta.

Goobjoog News