U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Oo Sheegay In Musuq Iyo Xoog Ay Ku Dhacday Doorashada Aqalka Hoose

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Iidle Geeddi oo kamid ahaa baarlamaankii hore ee dowladda federaalka ayaa ka hadlay arrimaha doorashada aqalka hoose oo uu aad u dhaliilay kuna tilmaamay in ay yihiin kuwa loo adeegsaday laaluush iyo awood dowladeed.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu jiro qaladaad islamarkaana meel sare uu gaaray musuqa iyo laaluush bixinta arrintaasina uu masuul ka yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Waxa uu sheegay in ay soo baxeen niman uu ku tilmaamay inay yihiin burcad barriyeed oo bedalay burcad badeed kuwaasoo uu kala jeedo dowlad goboleedyada dalka ka dhisan, isagoo arrin qatar ah ku tilmaamay in masiirka umadda Soomaaliyeed marba dal la geynayo sida Imaaraadka oo uu soo hadal qaaday.

“Dhowr arrimood bey u dhacday doorashada, waxaa jirey guddiyo doorasho iyo khilaafaad oo maamul goboleedyadu sameysteen taasna waxay keentay in wax walba ay sidii ay u rabeen ay u sameystaan waxaana qaarkood sameeysteen in markii la ogaaday in qofka uu wato qabiilkiisa in la bedalo ergadii 51-ka ahayd oo lagu bedalayo kuwa kale oo iyaga ah si uu u soo baxo ninka ay taageersan yihiin, marna waxaa la sameynayaa ergo kale oo iyaga un ay xareysanayaan qaarkood waxaa lagu bixinayaa lacag oo qofka tartamaya ayaaba lacag la siinayaa, waxyaabahaas oo isbiirsaday baa yimid dhammaan intooda badan 88% doorashada Soomaaliya inta aan ka warqabo waxay ku socotaa musuqmaasuq iyo xoog” ayuu yiri xildhibaan hore Geeddi.

Waxa uu sheegay in uusan hal hal u sheegi Karin kuraasta lacagaha ugu badan ay ku dhacday balse wuxuu tilmaamay inuu maqlay in ay jiraan kuraas ku baxday boqol soddon iyo shan kun  oo dollar.

Xildhibaan hore Maxamed Geeddi Iidle ayaa sheegay in maamul goboleedyada aynaan wax ka qaban Karin cabashooyinka laga muujinayo musuqa iyo laaluushka.

“Ilaahey malaa’ig buu saaran garbaha qof kasta, wax qarsoomaya ma ahan in laaluush iyo musuq jira waana ognahay in la kuraasta la xoogayo, beesha caalamka xataa waa og tahay, xildhibaannaddii hore oo soo laabtay xataa ma qabaan in si cadaalad ah ay doorashada u dhacdo” ayuu yiri Maxamed Geeddi.

Dhanka kale, xildhibaan Maxamed Geeddi Iidle oo kamid ahaa baarlamaankani ayaa waayadii dambe magaalada Kismaayo kaga jirey olole uu ku doonayay inuu dib uga mid noqdo baarlamaanka cusub ee dowladda dhexe, Goobjoog News ayaa weydiisay sababaha uu ku waayay kursigiisa maadaama xildhibaannaddii hore qaarkood ay dib u hanteen.

“Aniga kursigeyga waxaan ku waayay waxa weeye beesheyda ma hubeysno waa beel nabadeed waxay noqotay beel la xoogi karo, aniga horta waxaan jiraa 55 sano 51 sano baarlamaanka kuma jirin oo nin ganacsade ah oo reerkiisa dhaqanaya ayaan ahaa howsheydii ayaana ku noqonayaa oo baarlamaanka aan waayay uma jiisayo” ayuu yiri Mudane Maxamed Geeddi.

Xildhibaannaddii hore qaarkood ayaa sidan oo kale cabasho kaga muujinaya in kuraastooda lagu qaatay tartan ku saleysan musuq iyo xoog dowladeed, waxaana isla todobaadkani magaalada Garoowe ka dhacday in hadallo sidaan u badan oo kale uu ka jeediyay xildhibaan hore oo markii uu tartami lahaa madasha ka sheegay in laaluush iyo musuq dartiis uusan tartanka uga qeyb qaadan Karin.

Goobjoog News