U bood dhigaalka

Xildhibaan Jeesoow “Waa in la wada hadal siiyaa dadka ku wada sugan Baydhaba ee Koonfur Galbeed isku haya” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudiga Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay in leyska hor keeno shacabka wada dagan Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya waxaana gudiga ku baaqay in la xaliyo khilaafka weli taagan.

Gudoomiye ku xigeenka Gudigaasi Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay la kulmeen shacabka dagan magaalada Baydhabo markii uu halkaasi tagay madaxweynaha oo dibad bax ka dib rasaas loo adeegsaday shacabkaasi waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu Xildhibaanku ka digay in laga shaqeeyo wax weliba oo iska hor keenaya shacabka Goboladaasi isaga oo ku baaqay in la ogaado rabitaanka shacabka, islamarkaasina laga dhabeeyo si Maamulka la sameynayo loogu qanciyo bulshada degan Gobolada Maamul Goboleedkaasi uu ka shaqeyn doono.

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay waxaa ka socda shir lagu dhisaayo maamulk Sedax gobal ka koobnaan doona, oo Koonfur Galbeed ah, halka ay jiraan xubno sheegaya in ay madax u yihiin maamul Lix gobal oo sedaxda la dhisayo qeyb ka tahay.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysi aynu la yeelanay xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.

Goobjoog News