U bood dhigaalka

Xildhibaan Jeesow “Hanti Dhowaraha Waxaa Xilka Ka Qaadi Kara Baarlamaanka”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii xilka lagaga qaaday hanti dhowrka guud ee qaranka ayaa masuuliyadda dilkii wasiir Cabbaas Siraaji ku eedeeyay Xukuumadda Federaalka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo xubin ka ah guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Dastuur ahaan ay qalad tahay in golaha wasiirradu ay xilka ka qaadaan hanti dhowraha qaranka, islamarkaana xukuumaddu ay kamid tahay hay’adaha uu la xisaabtamayo.

Waxa uu sheegay in markii hore baarlamaanku ay meel mariyeen markii digreeto Madaxweyne lagu soo magacaabay waxaana ka horreysay inuu  imtixaan u soo galay, iminkana ay baarlamaanku un xaq u leeyihiin inay xilka ka qaadaan.

Waxa uu sheegay in hanti dhowraha guud ee qaranka ay jiraan qodobo uu xilkiisa ku weyn karo hase yeeshee uusan garan karin sababta keentay in xilka laga qaado marka laga yimaado kiiskii dilka ahaa ee wasiirkii howlaha guud uu ku dhintay.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay iyadu dusha saaranayso masuuliyadda dilka wasiir Cabbaas Siraaji wuxuuna tilmaamay in xukuumaddu aynaan ka taxadarin ammaankiisa.

“Tusaale markaan idiin sheego hanti dhowraha waa shaqsigii la xisaabtamayey xukuumadda, haddii ay ahaan lahaayeen wasiirada ama hay’adaha kala duwan ee dowladda, marka qof kula xisaabtamayo xil maba ka qaadi karti, baarlamaanka ayaa xilka ka qaadi karo dastuur ahaan” ayuu yiri xildhibaanka.

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Dr Nuur Faarax, Hanti dhowrihii qaranka, waxaana sidoo kale wareegto uu soo saaray madaxweyne Farmaajo uu xilkii ka qaaday Hanti dhowaraha.

Goobjoog News