U bood dhigaalka

Xildhibaan Jeesow Oo Ka Horyimid Doorasho Ka Dhacda Jubbaland

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa gabi ahaanba diiday in doorasho ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, isaga oo sheegay in taasi ay tahay mid shacabka lagu qaldayo.

Waxa uu tilmaamay in hadda aysan Doorasho ka dhacayn magaalada Kismaayo illaa la helo baarlamaan ay soo xulaan Odayaasha dhaqanka ee gobalkaasi deggan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Baarlamaanka Soomaaliyeed meel walba oo uu jooga waa uu ka mideysan yahay diidmada doorashada Jubbaland, waxaan leeyahay wax doorasho oo ka dhici kara Jubba malahan, illaa baarlamaan uu deegaankaasi yeesho lasoo xulo, ayna ka qeybqaataan Odayaasha dhaqanka iyo xildhibaanada deegaankaasi kasoo jeeda, waxaa kale oo muhiim ah in loo hogaansanaado Dastuuurka qodobkiisa 49-aad oo dhigaayo in gobalada isku darsoomayo ay yihiin kuwo xur ah, waxaad la socotiin in gobalka Jubada dhexe uusan xur ahayn” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Dhinaca kale xildhibaan Jeesow ayaa uga digay ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee ku sugan Jubooyinka iyo Gedo inay ka taxadaraan xad gudub ay u geystaan mas’uuliyiinta ku sugan Gedo oo uu sheegay in xubno badan ay xireen.

“Qof muwaadin Soomaaliyeed ah waliba heer gobal Mas’uul ka ah in la xiro cidna ugama hibeysanayno, ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa safka hore Itoobiya iyo Kenya waxaan leeyahay ha iska ilaaliyaan maandeetka ay ku joogaan, ma ahan in ay dad xirxiraan, Kaliil iyo Siyaad ma waxa ay dhihi rabaan waa Shabaab, sharciga ay meesha ku joogaan ma ahan in ay dadka xirxiraan ama maamullo ay dhisaan” ayuu hadalkiisa ku daray Xildhibaan Jeesow.

Hadalka xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa imaanaya xilli maalinta berri ah la filayo in magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Jubbaland.

Goobjoog News