U bood dhigaalka

Xildhibaan Jeesow Oo Sheegay In Baarlamaanka Hadda Jira Uu Ka Shaqo Badan Yahay Kuwii Hore Ee KMG Ahaa

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa ka warbixiyay waxqabadka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya intii uu dhisnaa, isagoo ku sheegay in uu yahay kii ugu waxqabadka badnaa marka loo eego baarlamaanadii ku meel gaarka ahaa ee dalka soo maray.

Xildhibaanka ayaa qeyb ka ahaa dood wadaag ay soo qaban qaabisay Goobjoog News oo looga hadlayay waxqabadkii baarlamaanka  2012 illaa hadda iyo waxqabadka laga fili karo mudada kooban ee u harsan baarlamaanka oo wakhtigiisu ku egyahay Agosto 2016.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku bilaabay ka warbixinta waxqabadka baarlamaanka, waxaanuu yiri;” waxaa dib u eegis lagu sameeyay shuruucda dalka ee aan la jaanqaadi Karin xilligan, shuruuc cusubna waa la meel mariyay, baarlamaanku waxa uu ka kooban yahay illaa 15 guddi, waxaa jira guddiga joogtada ah ee baarlamaanka oo ka kooban guddoomiyeyaasha guddiyada iyo guddoonka baarlamaanka, waxa la qabtay doorashadii madaxweynaha , ansixinta ra’iisulwasaarayaashii dalka soo maray, iyo mooshinkii ay xilka ku waayeen laba ra’iisul wasaare “.

Xildhibaanku waxa uu farta ku fiiqay guddiga uu ka tirsan yahay ee arrimaha gudaha  oo tusaale ahaan u soo qaatay, isagoo sheegay iney meel mariyeen 5 sharci oo halbowle u ah dalka, Sharciga maamul u sameynta gobollada, sharciga guddiga doorashooyinka, sharciga guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka, sharciga qaxootiga iyo kan barakacayaasha.

Xildhibaanka ayaa xusay in kalfadhiga soo aaddan uu miiska u saaran yahay, sharciga axsaabta iyo kan la dagaalanka argagixisada.

Waxa uu xildhibaanku ammaan u soo jeediyay guddiyada baarlamaanka qaarkood oo uu ku sheegay iney shaqo wanaagsan qabteen, guddiga dib u eegista dastuurka, guddiga maaliyadda, guddiga garsoorka, guddiga difaaca, iyo guddiga arrimaha gudaha oo uu ka tirsan yahay.

Xildhibaan Jeesow ayaa baarlamaanka 9-aad ee uu ka tirsan yahay ku ammaanay inuu yahay kii ugu waxqabadka badnaa marka loo eego baarlamaanadii ku meel gaarka ahaa ee dalka soomaray; “illaa carta illaa hadda baarlamaankii ugu shaqada badnaa ayuu noqonayaa” ayuu yiri isagoo weliba sheegay inuu qaarkood ka soo ahaa xubin baarlamaan.

Ugu dambeyn baarlamaanka Federaalka ah ayaa la filayaa in kalfadhigiisa 8aad uu ka furmo xuruntiisa Muqdisho 5 Apil, iyadoo ay horyaallaan howlo farabadan isla markaana wakhti koobanna u harsan yahay.

 

Goobjoog News