U bood dhigaalka

Xildhibaan Jeesow “Wax Aan Dastuurka Qabin Ayaa Kismaayo Laga Sameeyay”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in caleema saarkii shalay ee baarlamaanka maamulka Jubbaland uu ahaa mid loo maray wado qaldan, islamarkaana baarlamaankaasi uu yahay mid aan waafaqsaneen Dastuurka dalka u yaalla.

Xildhibaanka oo wareysi siiyay Goobjoog FM ayaa sheegay in ay sharci darro tahay ka qeyb galka xafladda caleema saarka oo shalay ka dhacday xarunta caymiska ee magaalada Kismaayo.

Waxa uu tilmaamay in baarlamaanka Soomaaliya uu qaraar baarlamaani ah kasoo saari doono wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD ee faragalinta ku haya arrinta Soomaaliya sida uu warka u dhigay.

Sidoo kale xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in ma’suul dowladeed uusan sharciga u siinaynin maamul ku dhismay cadaalad darro in uu ka qeyb galo munaasabaddiisa.

Munaasabaddii lagu caleema saaray baarlamaanka cusub ee maamulka Jubbaland waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wasiirada arimaha dibadda Itoobiya, Kenya iyo xubno ka socday IGAD.

Doodda Baarlamaanka Cusub Ee Jubbaland

Tan iyo markii ay bilaabatay soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland waxaa soo badanayay siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada diidan qaabka ay wax u socdeen.

Qaar ka mid ah beelaha degan gobalada Jubooyinka iyo Gedo waxa ay sheegeen in lagu qadiyay baarlamaankaasi, islamarkaana dad gaar ah laga soo xushay xildhibaanada.

Mooshinka Laga Geeyay Baarlamaanka Jubbaland

Xildhibaanno tiradooda ay gaarayso 43, ayaa guddonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya waxa ay u gudbiyeen mooshin ka dhan ah sharci ahaanshiyaha baarlamaanka Jubbaland, waxaana taasi ay keentay dood badan.

Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland oo mooshinkaasi ka jawaabaya ayaa sheegay in baarlamaankooda aan laga maamulin baarlamaanka Soomaaliya, iyaga oo xildhibaanada mooshinka geeyay ku sifeeyay qas wadayaal.

Taageerada dowladda iyo beesha caalamka ee Baarlamaanka Jubbaland

Madaxwenaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii baarlamaanka Jubba lagu dhawaaqay waxa uu soo saaray qoraal uu ku taageerayo baarlamaankaasi, waxaana sidoo kale isla qoraal sidaasi oo kale ah si wadajir ah usoo saaray wakiilada Beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Goobjoog News