U bood dhigaalka

Xildhibaan Joodax: Jidadka La Xirayo Waxaa Ay Dhibaato Ku Tahay Ganacsiga

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan Joodax oo kamid ah  guddiga ganacsiga ee golaha shacabka  ayaa sheegay in laamaha amniga ayna ka fiirsan xiridda wadooyinka Muqdisho, taaas badalkeeda waxa uu sheegay in loo baahnaa in amniga la sugo ayadoo jidadka aan la xirin.

“Ammaanka iyo dadka waa  la ilaalshaa, ayadoo howluhu  kala socdaan, ayadoo wax layska baarayo oo wax layska eegayo in dadka loo shaqeeyo ayaa la rabaa. Shaqada ay gaarka u leeyihiin in lagu xaqdhowro loona qabto ayaa  la rabaa, midda qaranku rabo oo lagu ilaalinaao inay barbar  socoto ayaa rabaa”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wato  ayaa sheegay in haddii wadooyinka iyo xaafada adkaato in laysku gudbo ay ka dhalan  doonto xaalad adag oo shacabka iyo dowladda iska hor keena  marka loo baahan yahay in dadka nolosha lagu adkaynin.

“ Haddii laga dhigo meeshaan la galimaayo, wadadaana la mari maayo, jidka waxaa loogu tala galay maritaan  kaasoo cilmiyeeysan, duruufihii jirana lagu xaliyo. Laakiin haddii waxii oo dhan albaab xiran laga dhigo, oo laamigoo dhan xaafad iyo guri laga dhigo, waad garan kartaa dhibka dadka ku soo noqon kara, waad ogtahay dhibka ka imaan kara haddii arrintaan ay sii socoto mustaqalka dhow iyo midka fogba laga fakaro, madaxda qarankana ay ka  fakaraan ay ka fakaraan mutaqbalka gog”

Dhanka kale Xildhibaan Warsame joodax ayaa xusay in haddii dadka laga joojiyo wax yaaaha nolosha aasaaska u ah inay suuqyada ka soo baxaan dadkana ay soo gaaran ay keenay in xaaladdu sii cakiranto shacabkuna kacdoomaaan.

“Haddii la xiro badeecooyinkii kala duwanaa ee looga baahnaa suuqyada iyo meelihii dadku ka adeegan lahaayeen sida hilibkii kawaanka laga keenayay iyo kaluunkii, waxii  oo dhan hadii la xiro dalkii oo dhan waa isku cakirmaa, waxaana imaanaya buuq iyo qeylo shacabka ah  in qorshe fiican oo ammaanka lagu xaqiijinayo dadkana lagu ilaalinayo in madaxdu ay u fakarto ayaa la rabaa”.

Ugu danbeyn Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan Joodax  ayaa carabka ku dhuftay in ciidamada qaranka loo baahan yahay inay horan ugu sii socdaan deegaanada dowladda gacanteeda ka maqan ammaankana ay sii xasiliyaan “Hadda waxaan maqlaynaa ciidamo meelo qabsaday waxan leeyahay waa inay sii socdaan ammaanka ha sii xaliyaan inta ay gaarikaraana ha gaaraan, dowladdana waxii lojisitik  ah iyo wixii dhiira galin ah ha la siiso ay noqoto dowlad sidii dowlad u shaaqeysoo oo shacabkeedana wax ugu tarto” .

Goobjoog News