U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Dayriyey Xaaladda Barakacayaasha Ku Nool Baydhabo

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Idriis Cabdi Dhaqtar oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ku sugan yihiin barakacayaasha ku nool magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xildhibaanka oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa tilmaamay in qoysaskan oo aad u badan ay hadda u baahan yihiin gurmad dhanka nolosha ah.

“Barakacayaasha ku sugan Baydhabo runtii waa kuwo gurmad degdeg ah u baahan, waa kuwo ay saameysay abaarta iyo colaadaha dalka ka jira, qaarkood ma helaan wax ay cunaan ama ay cabbaan” ayuu yiri xildhibaanku.

Ugu dambeyn, xildhibaan Dhaqtar ayaa ugu baaqay xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha samofalka ah in dadkan ay la gaaraan gargaar degdeg ah oo ay biyo ugu horreeyaan.

Barakacayaasha ku sugan magaalada Baydhabo ayaa badi ka soo barakacay deegaanno ku yaalla gobollada Baay iyo Bakool.

Goobjoog News