U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Digay In Doorashada 2016 Lagu Saleeyo Midaamka Degmooyinka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Caadil Sheegow Sagaar oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay in madasha wadatashiga Qaranka ay qaadato in hab deegaan lagu soo xulo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee imaan doona sanadka 2016-ka.

Xildhibaanka oo wareysi siiyay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in isaga iyo xildhibaanno kale ay aragti ahaan qabaan in wax lagu qeybsado nidaamka 4.5 oo uu tilmaamay in muddo badan wax lagu soo qeybsanayay.

“Annaga oo xildhibaanno badan ah waan ka hadalnay arrintaan oo aan ku taageerayno in wax lagu qeybsado qaabkii Soomaalida wax ku qeybsan jirtay (4.5) waad la socotaa gobalada hadda la sheegayo qaar iska madax banaan inay yaryihiin, gobalada koonfur in laga helo waa ay dhici kartaa, laakiinse marka la dhaho kuwa aan Koonfur ahayn waa qabiil waxa ay hadda leeyihiin gobaladaa lagu qeybsanaa iyadaa qabiil ah, marka wey iska caddahay Labada dhinac waa qabiil, midka aan sheegayno ayaadba moodaa in Soomaalida dhan iska dhex arkeyso, Soomaalida waxay wax ku qeybsan kartaa 4.5, marka degmo waxaa lagu tijaabiyay maamul gobaleedyada, wixii dhacayna waad la socotaan, marka waxaan dhihi lahaa illaa laga gaaro qof iyo cod waxaa haboon in beel wax lagu qeybsado” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Sheegow ayaa dhinaca kale sheegay in marnaba aan lagu mashquulin wax aysan shacabka iyo sidoo kale siyaasiyiintooda rabin, isaga oo tilmaamay in dhibaato cusub ay keeni karto hadii degmo wax lagu qeybsado.

Nooca doorashada la doonayo sanadka 2016-ka weli lama shaacin, hase ahaatee waxaa hadda loo badan yahay Laba aragto oo ah in deegaan wax lagu qeybsado iyo in nidaamkii qabiilka 4.5 dib loo soo celiyo.

Goobjoog News