U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Digey In Dhallinyarada Laga Shaqaaleysiinayo Gobolka Banaadir Lagu Qaato 4.5

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay in dhallinyarada laga shaqaaleysiinayo gobolkani Banaadir lagu salleeyo nidaamka 4.5, loona baahan yahay iney shaqeyso Soomaalinimada, aqoonta iyo kartida qofka.

Xildhibaan Xuseen Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Goobjoog ayaa sheegay in dhallinyarada ay muhim tahay in lagu dhiiragaliyo aqoontooda.

Waxa uu tilmaamay in ay doonayaan in shaqaalaha la qaadanayo nidaam cad lagu qaato.

Xukuumadda ayuu ugu baaqay inay hagaajiso shaqo siinta dhallinyarada oo siyaasad cad ay la timaado.

Arrintani ayuu ku sheegay inay tahay mid tusaale u noqon doonta xukuumadda iyo maamulka gobolka Banaadirba.

“Arrinta shaqaalaha gobolka Banaadir waa Kun dhallinyaro ah, waa arrin aad u wanaagsan, waan ku amaaneynaa xukuumadda iyo gobolka, laakiin waxaan ka digeynaa in nidaamka loo marayo dadkaan la qaadayo aad looga taxadaro, waxaan rabnaa inuu noqdo nidaam cad shaqaalaha la qaadanayo, nidaam daah furan oo shaqada lasoo xayeeysiinayo cidda la qaadanayo qaabka ay wax ku qaadaneyso ay caddahay ayaan ka rabnaa, Banaadir dad badan oo Jaamacado kasoo baxay ayaa jooga, annaga waxaan ka eegeynaa waxay tahay in dadkaasi aan la gelin hoose hoosey iyo sheeko kale”

Gobolka Banaadir ayaa shaqaaleysiin doona Kun dhallinayaro ah, waxaana jira walaac ay qabaan dhallinyarada qaar oo ay ka baqayaan in qaadashada shaqaalaha loo maro habka qabiilka ee 4.5.

Goobjoog News