U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Hadlay Arrimaha Doorashada

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa ka hadlay hadalkii ka soo baxay guddiga khilaafaadka ee doorashooyinka oo ay ku laaleen xildhibaanno gaaraya 11 oo ay laaleen doorashadooda.

Wuxuu sheegay in guddigani ku sheegay in uusan awood sharci u lahayn inuu laalo xildhibaanno laga soo doortay degaannadooda.

Xildhibaanka ayaa sheegay in shaqada guddiga ay tahay sidii ay u hubin lahaayeen muranka ka jira ergada la isku heysto iyo musharrixiinta isku beesha ah ee isku dhaggan inay xalliyaan hayeeshee aynaan awood sharciyad u heysan inay wax buriyaan ama diidaan.

“Hal xaaraan ah nirig xalaal ah ma dhasho, madasha ayaa guddiga khilaafaadka magacaabay iyadiiba sharci kuma dhisna, guddigani ma noqon karo maxkamad sharciyan kursi la soo doortay madaxweynaha xataa ma burin karo, laakiin maxkamadda sare ayaa awood u lahaaneysa inay baarto haddii loo dacwoodo, guddiga khilaafaadka shaqadoodu waa talo siin guddiyada doorashada oo ku aaddan kuraasta muranka ka taagan yahay in dib loo dhigo oo kale” ayuu yiri xildhibaan Shariif Cabdalle.

Dhanka kale, xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla ayaa ka hadlay dib u dhaca doorashooyinka ku imaanaya, wuxuuna sheegay in madasha aysan shaqo ku lahayn doorashada waqtigeeda balse guddiga doorashada uu shaqadaas leeyahay.

Madasha hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee isugu jira madaxda dalka u sarreysa iyo madaxweynayaasha gobollada ayuu ku dhaliilay inay waddo xadgudub abuuraya fowdo islamarkaana aan loo baahnayn.

Ugu dambeyn, xildhibaanka ayaa sheegay in marka baarlamaanka fariisto uu waajibkiisu yahay xadiditaanka waqtiga doorashada Madaxweynaha la qabanayo.

Goobjoog News