U bood dhigaalka

Xildhibaan ka tiran Galmudug Oo Dastuurka Maamulkaasi Ku Tilmaamay Mid u Baahan In Wax Badan Laga Bedelo

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdiwali Cali Maxamuud oo guddoomiye u ah guddiga xeer hoosaadka baarlamaanka Galmudug wareysi gaar ahna siiyay Goobjoog News ayaa ku tilmaamay Dastuurka maamulka mid qabyo ah oo u baahan in wax badan laga bedelo.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn ka hadaly waxyaabaha uu u xilsaaran yahay baarlamaanka Galmudug oo uu ku sheegay wax ka bedelka iyo wax ku daridda Dastuurka, waxyaabihii uu durbaba ay ku guuleysteen ayuu ku tilmaamey iney ahayd isla kalfadhigii koowaadba ay diyaariyeen isla markaana ay ansixiyeen xeerhoosaadkii golaha oo dhameystiran.

Mar uu ka hadlayay in Dastuurka Galmudug wax laga bedelay dhanka xuduudda ayuu yiri; ” wax la bedelay maaha xuduudda Galmudug, xuduuddu waa Mudug iyo Galguduud xuduudkii ay la haayeen, waxa la bedelay waxay ahayd jiho”.

Waxa uu xildhibaanku qirtay iney wax ka bedelka Dastuurka ee Qodobka Xuduudda aan loo raacin waddooyinkii saxda ahayd isla markaana uu qodobkaasi ku jiro, qodobada aaney Baarlamaanku wax ka bedeli Karin una baahan Afti dadweyne oo kaliya.

Xildhibaan Cabdiwali waxa uu sheegay in siyaasaddu markastaba tixgelin leedahay oo xuduuddii gobolka ee Nugaal loo bedelo Puntland inaaney waxba kuma jabnayn, laakiin wadadii loo maray qodobka iyo wax ka bedelistiisa ayaa khaldaneyd oo aan loo marin wadadii saxda ahayd ayuu sheegay.

Dastuurka maamulka ayuu ku sheegay mid qabyo ah “Qodobadda qaar oo macnahoodu aanuu faahfaahsaneyn ayaa xeer hoosaadka lagu faahfaahiyaa, Dastuurka Galmudug waa qabyo, waa dastuur u baahan in wax badan  laga bedelo oo la hormariyo, sidaa daraadeed inta Dastuurka laga shaqeynayo xeer hoosaadkana waa laga shaqeynayaa”.

Xildhibaanka ayaa farta ku fiiqay qodobbo dastuuri ah oo u baahan in  wax laga bedelo, sida; qodobka 49aad faqradiisa 2aad oo  ka hadleysa xilwaayidda madaxweynaha, iyadoo xafiiska iyo deegaanka Madaxweynaha uusan ka maqnaan Karin Caasimadda Maamulka muddo 45 cisho ah, isla markaana hadda la marayo muddo 9 bilood ku dhawaad  xafiiska madaxweynaha Galmudug ee Cabdikariim Xuseen Guuleed ka maqan yahay oo aanuu ku shaqeynayn xafiiskiisii Caasimadda maamul goboleedka ee Dhuusamareeb.

Waxa uu xildhibaanku xusay inaanuu jirin illaa iyo hadda sharci ay ansixiyeen laakiin uu jiro labo sharci oo goordhow baarlamaanka uu filayo in la horkeeno, isagoo tilmaamay in labadaa sharci ay baaralmaanku curiyeen, isla markaana aaney jirin weli sharci ka soo gaaray dhanka xukuumadda oo la ansixiyay.

Baarlamaanka Galmudug ayaa  23 Febraayo wuxuu ansixiyay mooshin la xisaabtanka xukuumadda Galmudug,  iyagoo baarlamaanku la xisaabtamey wasiirada Dastuurka & dib u heshiisiinta iyo wasiirka Amniga oo labaduba hortegay baarlamaanka Galmudug, waxaana la filayaa in maalin kasta oo Axad ah baarlamaanka ay horyimaadaan xubno ku jira golaha wasiiradda Galmudug si Su’aalo looga weydiiyo habsami u socodka howlahooda shaqo iyo waxqabadkooda.

Goobjoog News