U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Aqalka Hoose Oo Farriin u Direy Xildhibaannada Labada Aqal

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise oo kamid ah mudanayaasha cusub ee aqalka hoose, laguna soo doortey magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo waxa looga baahan yahay mudanayaasha Labada aqal.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in looga baahan yahay dhammaan xildhibaannada in ay ka fekeraan danaha shacabka Soomaaliyeed islamarkaana hoggaanka ay soo dooran doonaan u eegaan wax qabad iyo aqoon.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Soomaalida ay ka daaleen dowlado aan wax qabad badan lahayn, musuq iyo sidoo kale in shaqsi jeclaysi lagu soo doorto mas’uul, sidaa darted markaan la doonayo in lasoo doorto ciddii Soomaaliya ka saari lahayd dhibka maanta haysta.

“Xildhibaannada waxaa laga doonayaa in maanta ay ka fogaadaan wax walbo oo musuq ah, in lagu milmo xafiisyada madaxda, waxaa la rabaa in xildhibaanka la ogaado inuu yahay nin ka sarreeya madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, waxaa la doonayaa in hoggaan daacad ah lasoo doorto, qofka aan loo eegin shaqsi jaceyl ama wax lamid ah” ayuu yiri xildhibaan Maxamuud Axmed.

Maamullada kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa soo dhameystiray doorashada xubnaha Labada aqal, kaliya waxaa hadda la sugayaa kuwa ka imaanaya gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Goobjoog News