U bood dhigaalka

Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka oo Dib u Dhaca Doorashooyinka Ku Eedeeyay Beesha Caalamka

Sheeko:Baarlamaanka

Dr Cabdi Cali Xasan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in eedda dib u dhac doorashada ay leedahay beesha caalamka.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn ka hadlay shaxdii doorashada iyo inaaney jirin wax ka hirgalay, beesha caalamka iyo UNDP ay sheegeen inaaney hayn lacagihii dowladdu u qorsheysay doorashooyinka dalka.

“Dowladdu waxay haysato iyo lacagta la rajeynayay in laga qaadi doono musharixiinta marka la isku daro, miisaaniyadda intii ka dhimaneyd in saaxiibada Soomaaliya ay leeyihiin lacagihii loogu talogalay doorashada Soomaaliya ma hayno, shirkii ugu dambeeyay oo aan ka qeyb galay ee loogaga hadlayay arrimaha doorashada, UNDP waxay sheegtay ineysan haynin lacagtaas doorasho lagu galaayo, lacag illaa 4 Milyan oo kaliya iney hayaan, taasi waxay noqon kartaa caqabad aysan xukuumaddu heli Karin geesinimo ay ugu dhawaaqdo iney doorashada, illaa la helo kharashkii lagu qaban lahaa”, waana sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanku waxa uu intaa ku day, in doorashada aqalka sare uu dib u dhacay taasna waan ognahay, maadaama wakhtigii uu qorsheysnaa la dhaafay, guddigii doorashooyinku wali kumey dhawaaqin xilliga ay doorashadu sida rasmiga ah u qabsoomeyso, gobolladii dalka meel ay dhaqdhaqaaq doorasho ka jirtaa looma jeedo, Hiiraan wali maamul looma sameyn, ayuu yiri; halka ay doorashada xildhibaanada maamulkaas ka dhacaysana lama shaacin, kuwaas oo ah iyaguna caqabado kale oo ku wajahan doorashooyinka 2016.

Eedda dib u dhaca ayaa waxa uu dusha kaga tuuray beesha caalamaka:

“Eedda waxaa qaadnaya saaxiibadda Soomaaliya oo dhaqaalihii loogu talogalay aan keenin, xukuumadda iyo hay’adda fulinta guud ahaanteedu iyo madasha madaxda iskugu timid waxaa waajib ku noqoneysa shirka markay iskugu yimaadaan tabartoodu intey tahay iney ku tashadaan, haddii lacag la waayo waxaa laga maarmaan noqoneysa in lagu daro wakhti inta lacag laga helayo”.

Xildhibaanka ayaa waxa uu ka warramay in hadda dhibaatada haysatay dowladda ee dhaqaale la’aanta doorasho ay qabsatay xukuumaddii uu ka tirsanaa 2012, ayna ku khasbanaadeen iney mushaarkooda iyo lacago deynta ah ay ku qabtaan doorashada dalka oo ka sahlaneyd tan haatan, iyadoo xilligaas uu xulista lahaa odoy dhaqameedka oo qura, haddna aaney xukuumadda u suurtogaleyn iney kaligeed kharshkaa dusha u ridato.

Sanadkan 2016 ayaa guud ahaan dalka waxaa qorsheysan iney ka dhacdo doorasho baarlamaan iyo midda madaxtooyada oo isasaaran, iyadoo jadwalkii bishii Juun ay xukuumaddu soo saartay uu ku yimid dib u dhac una muuqdo mid aan suurogal ahayn.

Goobjoog News