U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Oo Ka Digey In Doorashada Waqtigeeda Laga Dib Dhigo

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay  in madaxda Dowladda Soomaaliya aysan dadaal badan ku bixin hanaanka Doorashada Dalka iyo sidii loo qaban lahaa doorashada Xiligii loogu talagalay.

Wareysi uu siiyay Goobjoog FM ayuu ku sheegay in madaxdu ay mas’uul ka tahay qabsoomidda doorashada sanadkan 2016 ee dowladda cusub.

“Dowladda ayaa laga rabaa inay xil iska saarto sidii doorashadu u dhici lahayd waqtigeeda iyadoo aysan dib u dhac uusan ku imaan” ayuu yiri xildhibaanka.

Dowladdu ayuu sheegay in xil muuqda aysan isa saarin iminka kaas oo lagu doonayo in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo.

Hoggaamiyeyaasha madasha Soomaalida ayaa shirkoodii magaalada Baydhabo ayay ku soo bandhigay jadwalka hannaanka doorashooyinka 2016, inkastoo dadka siyaasadda ku lugta lihi qaarkood ay qabaan in uusan sidiisa ku hirgali karin.

Goobjoog News