U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Oo Rajo Ka Muujiyey In Soomaaliya Ku Guuleysato Dacwadda Badda Ee Kenya

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo kamid ah baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrinta la xiriirta dacwadda badda Soomaaliya ee maanta ka furantay maxkamadda caalamiga ah ee Huge.

Xildhibaanka oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in ka baarlamaan ahaan ay taageersan yihiin dacwadda badda islamarkaana ay dowladda federaalku ku saxan tahay gelitaanka dacwaddani.

Wuxuu sheegay in rajo ay ka qabaan in ay guul ku soo dhammaato oo Soomaaliya oo xukmiyo baddeeda oo qeyb kamid ah ay iminka ku doonayso lahaanshiyaheeda dowladda Kenya.

Xildhibaan Maxamed Nuuraani ayaa sheegay in xilligii dowladdii KMG heshiiskani markii lala galay dowladda Kenya ay baarlamaanku waagaasi dalbadeen in golaha shacabka la horkeeno si looga doodo.

Xukuumaddii xilligaasi oo heshiiska gashay ee Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayuu ku eedeeyay inay ka meermeertay in heshiiska la horkeeno baarlamaanka.

“Markii ay dhici weysay in xukuumaddii ay ka gaabsatay in heshiiskaasi la horkeeno baarlamaanka ayaa baarlamaanku gaaray go’aan ahaa in madaxda Soomaaliya aanay heshiis ka gali Karin bad iyo cirba” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Kenya ay ku doodayso in madax Soomaaliyeed oo xilal ka hayay dowladda ay kala saxiixdeen heshiiska badda ee isfahamka looga magac daray.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar in uu qabo rajo ah in dowladda ay ku guuleysan doonto dacawadda badda islamarkaana uu tilmaamay in uusan jirin walwal uu ka qabo in heshiiska lagu fashilmo.

Goobjoog News