U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka oo Waalidiinta Uga Digay Iney Ubadkooda U soo Diraan Beerta Nabadda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka federaalka oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed in ay caruurtooda ka ilaaliyaan goobaha dadku isugu yimaaddo, Sida; Xeebta Liido, Beerta Nabadda iyo goobaha kale, inta dalka Amnigiisa meel la saarayo.

Xildhibaanka oo ka hadlay amniga Muqdisho ayaa ku tilmaamay mid faraha ka baxay, isagoo hoosta ka xariiqay saraakiisha ammaanka loo dhiibay inaaney aqoon fiican u lahayn howlaha loo igmaday.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in ammaanka Muqdsho uu aad u xumaaday isla markaana uu waalidiinta uga digayo iney carruurtooda u soo diraan meelaha dadku isugu soo baxo oo uu tilmamamay iney dhici karto in amniddaradu ay saameyso.

Waxa uu xildhibaanku yiri” shacabka waxaan uga digayaa, carruurahooda galbaha Khamiista iyo Jimcaha ay u soo dirayaan beerta nasashada xoriyadda oo Xamar weyne ku taalla, ha ka digtoonaadeen ilmahoodana ha ka joojiyeen, meelaha bulshadu isugu tagtana socodka badan ha la joojiyo ha laga digtoonaado, aadna ha looga feejignaado, oo hooyooyinka iyo aabayaashu ilmadooda yaryarkaa oo soo aadaya goobaha dadweynaha ha ka digtoonaadeen hana ka joojiyeen inta dalka amnigiisa meel la saarayo”.

Waxaa xusid mudan in 26 Febraayo qaraxyo xooggan lala eegtay  hotel SYL, kaas  oo ay ku waxyeelloobeen dad badan oo rayid ah oo ka agdhawaa isla markaana ku sugnaa Beerta Xorriyadda,  iyadoo dad 10 qof kor u dhaafay ay ku geeriyoodeen halka 45 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.