U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug Oo Baaq u Diray Dowladda India

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Cali oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay dowladda India iney sii deyso dhallinyaro Soomaaliyeed oo in ka badan 5 sano ku xiran dalkaasi.

Xildhibaanka oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in dhallinyaradaan aaney lahayn wax dambi ah, islamarkaana ay si cadaalad darro ah u xiran yihiin.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in kaalin mug leh ay ka qaadato sidii loo soo deyn lahaa dhallinyaradaasi.

“Aniga oo ku hadlaya afka xildhibaannada Galmudug waxaan ugu baaqayaa dowladda India iney sii deyso dhallinyaro Soomaaliyeed oo kasoo jeeda deegaanada Galmudug kuwaasi oo si sharci darro ah ugu xiran dalkaasi, maxaabiista wey xanuunsan yihiin, ma haystaan daryeel wanaagsan, sidoo kale dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre in sida ugu dhaqsiyaha badan ula xiriiraan dowladda India si loo sii daayo dhallinyaradan” ayuu yiri xildhibaan Maxamed C/laahi.

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo la sheegay iney kamid yihiin burcad badeedda Soomaalida ayaa sano badan ku xiran dalka India, kuwaasi oo aan weli helin cadaalad rasmi ah.

Goobjoog News