U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug Oo Dhaliilay Hoggaanka Sare Ee Maamulkaasi          

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Xasan Cali Dhuux oo kamid ah wakiillada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa dhaliil u soo jeediyay hoggaanka sare ee maamulkaasi.

Hoggaanka sare ee Galmudug ayuu ku dhaliilay inaysan waxba ka fulin ballanqaadyadii ay usameeyeen shacabka goballada Mudug iyo Galgaduud.

Xildhibaan Xasan Dhuux ayaa sheegay in maamulka Galmudug madaxdiisa ay ku fashilantay hirgalinta wada hadallada maamulka Ahlu Sunna oo weli siyaasad ahaan ka soo horjeeda dowlad gobaleedka Galmudug.

“Madaxda Galmudug ma aysan qaban howshii laga sugayay ee ahayd wada hadalka Galmudug iyo Ahlu Sunna, waxaana ay u muuqataa mid laga gaabiyay” ayuu yiri xildhibaanka.

Dhanka kale, Xildhibaan Xasan Cali Dhuux ayaa sheegay in muddadii uu jiray maamulka Galmudug uusan qaban shaqooyinkii laga filanayay inuu u qabto shacabka goballada dhexe.

Xildhibaanka ayaa hoggaanka sare ku eedeeyay in ay siyaasado kale uga sii jeesteen howlihii loo igmaday oo markoodii hore loo doortay islamarkaana uusan maamulka wax waxqabad ah uusan la imaanin.

Maamulka Galmudug oo dhowr jeer ku celceliyay inay wada hadallo la furayaan maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa weli haddana waxaa muuqan wax tallaabo oo horay loogu qaaday wada hadalka labada dhinac.