U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Oo Dhaliilay Baarlamaanka Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shir Cabdi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Jubbaland ayaa dhaliilay baarlamaanka Soomaaliya oo Seddax Sano jirsaday.

Waxa uu sheegay in mudadii Seddaxda Sano ahay ee uu shaqeynayay Baarlamaanka uu lumiyay fursado badan oo la doonayo in shacabka wax loogu qabto waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan is leeyahay Baarlamaanka Federaalka oo Seddax Sano Jirsaday waxa uu ka bixi waayay buuq iyo Mooshin mudadii uu jiray, waxa uu ku mashquulsanaa ridis Xukuumad iyo wax la mid ah, iyadoo illaa iyo haatan weli taagan tahay, waxaan qabaa hadii ay sidii loogu tala galay u shaqeyn lahaayeen in Soomaaliya meesha ay joogto ka tagi lahayd” ayuu yiri Shire Cabdi.

Sidoo kale mudanahaan ayaa mar uu ka hadlay mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh ayuu ku sheegay mid keeni kara dib u dhac iyo in aan la gaarin hiigsiga 2016-ka.

“Waxaa wanaagsan in xildhibaanada ay is barbar dhigaan hiigsiga 2016-ka iyo in madaxweynaha la rido keebaa wanaagsan, ma ahan in Sanad haray ay wax walba ku qaribaan maadaama aysan markii horeba shaqo badan aysan qaban” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalkaan kasoo yeeray xildhibaankaan ka tirsan baarlamaanka Jubbaland ayaa imaanaya xilli baarlamaanka Soomaaliya aanu aqoonsaneen jiritaanka baarlamaanka maamulkaasi.

Goobjoog News