U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Ku Baaqay u Gurmashada Shacabka Ay Saameeyeen Roobabka Iyo Dabaylaha

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maamullada dalka ka jira ugu baaqay inay u gurmadaan dadka ay saameeyeen roobabka duufaanta iyo fatahaadda wata ee ka da’aya qaar ka mid ah goballada dalkeenna Soomaaliya.

Xilibaan C/rashiid C/laahi Maxamed oo ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in Maamullada dalka ka jira looga baahan yahay in ay caawinaad u fidiyaan dadka waxyeellada kasoo gaartay daadkaan ka dhashay roobab saacado badan ka da’ayay qaar ka mid ah gobolada dalka

Xilibaanka ayaa sheegay in roobabka wax laga mahad celiyo ay tahay maadaama abaaro ba’an dalka ay ka jireen taas oo wax badan ka badali doonta nolosha dadka iyo duunyada.

“Meel walba waxaa ka jira maamul, waxaa looga baahan yahay in dadkaasi ay gurmad u sameeyeen, sidoo kalena dadka wacyi geliyaan, wixii ay qaban waayaan ama ka batana ay dowladda dhexe usoo gudbiyaan” ayuu yiri Xildhibaanka.

Dhinaca kale Xildhibaan C/rashiid ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan dareen gaar ah ka yeelin arrinta ku aadan digniinaha El Nino, islamarkaana muhiim ay tahay in markii qatar lasoo sheego la sameeyo diyaar garow ballaaran.

Ugu dambeyn ayaa xildhibaanka waxa uu ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka ka jira inay u istaagaan u gurmashada shacabka Soomaaliyeed meel walba oo dalka ay kaga dhibannayihiin.

Goobjoog News