U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Sheegay In Madaxda Dowladda Ay Jabiyeen Go’aankii Baarlamaanka Ka Qaatay Jubbaland

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ay jabiyeen go’aankii golaha shacabka uu ka qaatay baarlamaanka Jubbaland.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in qalad weyn ay ahayd in madaxda dowladda ay gaaraan magaalada Kismaayo, iyaga oo u hambalyeeynaya madaxweyne Axmed Madoobe.

“Dulmi cad ayeey u baxeen oo ay ugu hambalyeeynayeen Axmed Madoobe, waad la socoteen waxa uu sameeyay Axmed Madoobe, Baarlamaanka Jubba lama aqoonsan oo waa la diiday, marka ma ahayn in Kismaayo ay tagaan madaxda dowladda iyo xubnaha beesha Caalamka” ayuu yiri Xidhibaan Magan.

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa sheegay in tagitaanka beesha caalamka ee magaalada Kismaayo ay muujinayso in Soomaaliya aan lala rabin xasiloon iyo kala dambeyn.

“Waxaa Kismaayo tagay wadamadii deriska ahaa iyo beesha caalamka, waxaa meesha ka muuqata in Soomaaliya aan lala rabin xasilooni iyo kala dambeyn inay ka dhalato” ayuu yiri Xildhibaan Magan.

Shalay ayaa magaalada Kismaayo waxaa lagu caleema saaray madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxaana munaasabadda caleema saarka ka qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, Wasiirro iyo xildhibaanka ka tirsna dowladda Federaalka, madaxda maamul gobaleedyada dalka ka jira iyo beesha caalamka.

Goobjoog News