U bood dhigaalka

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan: Shirka Magaalada Garbahaarey waa mid wada tashi ah

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan ayaa sheegay in shirka ka socda Magaalada Garbaharay uu yahay mid wada tashi ah oo ay ka qayb galayaan inta badan beelaha wada dega Gobolka Gedo.

Xildhibaankan oo la hadlay Goobjoog FM ayaa  tilmaamay  inuu shirka mari doono sadax marxaladood oo kala duwan oo ugu horeeyo wada tashi lala samaynayo dadka wada dega Gobolkaas.

Maxamud Cali Magan oo wareysi dheer siiyay Goobjoog FM ayaa sheegay  in loo baahan yahay helida aragti midaysan waxa uuna hoosta ka xariiqay in ay ka soo bixi doono shirkan qodobo muhiim u ah dad halkaasi wada dega.

Xildhibaan Magan ayaa ka mid ahaa mudanayaal dhawaan tagay Magaalada Garbaharay isla markaana dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Wareysiga xildhibaanka halkan ka dhageyso