U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Galmudug oo Ka Digey Dhaqan Galka Heshiiskii Dowladda Federaalka Iyo Puntland

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News, ayaa Puntland ku eedeeyay iney faquuqeyso dadka kasoo jeeda koofurta Soomaliya, kuna tilmaamay heshiiskii dhawaan Dowladda federaalka iyo Puntland mid haddii uu fulo khasaare ku ah umadda Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn waxa uu ka hadlayaa go’aamo ay soo saareen degaanno ka tirsan Puntland oo ka dhan ah dadka koonfurta Soomaaliya, waxaanuu yiri, “Go’aamadaas iyaga ah waxaan u arkaa iney yihiin go’aamo aan sax ahayn, oo aan loo marin dariiqii ku habboonaa, inkasta oo laga yaabo iney iyaga dhab ka ahayd oo amnigooda ilaashigiisa ula jeedeen, hadaba qaabka ay rabaan iney amnigooda ku ilaashadaan waa qaab khaldan, oo shuruucda dalka u taalay iyo Dastuurkeedaba ka hor imaanaya, xadgudubna ku ah xuquuqda Bani’aadamka”.

“Tallaabooyinka qaabka ay u qaadeen waa iney reer Koonfureedka ku shaabadeynayaan iney qaswadayaal yihiin, taa lafteeda ayaan sax ahayn, qaswadayaasha waxaa hormuud u ah dad kasoo jeeda Puntland, waxaa ka mid ah Fu’aad Shangole iyo Atam, amnigooda waxay ahayd iney ku sugaan shuruuc ay Soomaalidu u siman tahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Shuruucdaasi waxay kala fogeyneysaa ummadda Soomaaliyeed, waxayna keeneysaa in iyagana lagula dhaqmo sida ay gobollada Koonfureed kula dhaqmaan, waana si aan waafaqsaneyn dastuurka iyo nidaamka federaalka ah iyo shuruucda dalka u yaalla midna aan waafaqsaneyn, qofka jinsiyadda Soomaaliga wataa waxa uu xaq u leeyahay inuu gobolka uu rabo uu tagi karo, ku noolaan karo, ka ganacsan karo uu ka shaqeysan karo, wax alaaliyo wixii arrinkaa kasoo horjeeda waxay noqoneysaa ku tumasho dastuurkii ay Puntland sheeganaysay illaaliyaasheeda koowaad iney yihiin”ayuu yiri xildhibaanku.

“Go’aamada dadka Koonfureed laga soo saaray waxaa ka mid ah iney guddi sameystaan, in warbixin saacad saacad ah keenaan, iney cidii kusoo kororta ee cusub soo sheegaan, taas iyada ah waxay noqotay halka mujtamacii uu shaqadiisii ka qabsan lahaa nabadsugid in loo bedelay aan mushaar lahayn, waxaana ka saxneyd iney dad ka mid ah shaqaaleystaan, oo ay u adeegsadaan howshaa iyada ah, halka bulshda laga oran lahaa; waxaad tihiin bulsho ku shaqeynaysa lacag la’aan”, waana sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, waxa uu xildhibaanku ka hadlay heshiiskii Puntland ee ay ku ogolaatay nidaamka doorashada 4.5, Xildhibaanka ayaa sheegay in uusan heshiiskaasi waa faqsaneyn Sharciga dalka u yaalla ee lagu dhaqayo Federaalka oo uu sheegay in aysan Jirin dowlad goboleed heshiis noocaas oo kale ah la geli karta federaalka.

“Heshiiskaas waxaan u arkaa mid aan qiima weyn ku fadhin, mid aan  ka duwaneyn heshiisyadii hore ee lagali jiray ee idhaafida ahaa, oo loola jeeda un caqabadda taagan in looga gudbo, waana heshiis ku tumanaya shuruucda nidaamka uu federaalku ku shaqeeyo, dowlad goboleedyadu ma geli karaan heshiisyo caalami ah iyagoon sii marayn dowladda dhexe, shuruuc ahaan iyo nidaam ahaan, haddii taasi iyaga u furnaato oo loo ogalaadana, waa ku tumasho, gobollada kale wax u furan ayay noqoneysaa”ayuu sheegay.

“Dowlad kasta oo damaanad qaadda mar haddii ay wuxu sharci darro yihiin, haddii uu fulo waa khasaaro u soo kordheysa umadda Soomaaliyeed, 99% waxay u badan tahay inaaney waxba ka furlay”, ayuu xusay.

Waxaa heshiiska ka dhalan kara ayuu yiri; ” Puntland oo la siiyay xuquuq gaar ah, nidaamkii federaalka iyo qaabka ay u wada shaqeynayaan dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe mid wax u dhimaya, taa eedeeda waxaa iska leh dowladda dhexe oo aan illaa iyo hadda soo saarin sharcigii ay ku wada shaqeyn lahaayeen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada”, ayuu hadalkiisa ku soo afjaray.

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal 3 April waxaa heshiis ku saxiixay Dowaldda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kaas oo ay ku xusneyd in Puntland ay qaadato nidaamka 4.5 oo ay ka biyo diidaneyd iyo intaa bedelkeeda Puntland loo ogolaaday  qodobbo ay miiska soo saartay oo uu ku jiray iney Putland  geli karto heshiisyo caalami ah.

Goobjoog News