U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Galmudug Oo Dhaliil u Jeediyey Wasiir Juxa

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya inuu farogelin toos ah ku sameeyay howlaha shaqo ee maamulkooda.

Xildhibaan Mahdi Cali Cilmo oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in wasiirka uu habeenkii xalay ahaa Cadaado kula kulmay xubnaha guddiga doorashada oo uu ka dhaadhiciyey in dib loo dhigo doorashada waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Wasiirka arrimaha gudaha daaqadda ayuu ka galay Dastuurka iyo haykalka dowlad goboleedka Galmudug, kadib markii uu shalay soo gaaray Cadaado, xalay waxaa warar horudhac ah ay sheegayaan  inuu kula la qaatay guddiga doorashada Galmudug, kadibna ay soo ifbaxayaan warar sheegaya in doorashadii loo dhigay 30-kii bishan oo ay kala heshiiyeen, taaso oo hareermarsan haykalka dowladda Galmudug” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Mahdi ayaa dhinaca kale sheegay in guddiga doorashada Galmudug uu baarlamaanka soo xulay, kaliyana loo magacaabay arrimaha doorashooyinka oo aaney shaqo ku lahayn dib u dhigis ama wax lamid ah.

Dhanka kale waxa uu sheegay xildhibaanka in ay ahayd haddii la doonayo in dib loo dhigay doorashada ay muhiim tahay in loo maro waddo sax ah, balse aysan suuragal ahayn in wasiir Juxa uu sameeyo wixii uu doono waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu safar ku tagay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, wuxuuna halkaasi ka wadaa kulamada uu la yeelanayo mas’uuliyiinta, xildhibaannada, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug.

Goobjoog News