U bood dhigaalka

Xildhibaan ka tirsan Galmudug Oo Ka Warbixiyay Sababta Dadka Shacabka Ah u Degi Karin Degmada Ceelbuur Ee Galgaduud

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Mahad Sheekh Cali Cibaar oo ka tirsan Barlamaanka Galmudug ayaa  wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News, kana warbixiyay socdaal ay ku gaareen Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxa uu xusay iney la kulmeen waxaaney filnayn islamarkaana magaaladu ayna cidi ku nooleyn muddo Halsano iyo 3 bilood ku dhawaad ah.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn ka warbixiyay safarkooda kormeerka oo ay ugu tala galeen inuu qaato muddo maalin amaba Labo ah oo kaliya, laakiin ay ku qaadatay 31 cisho, kadib markii ay magaalada Ceelbuur ay arkeen iney haawaneyso cid shacab ahna aaney ku nooleyn, ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo ciidamo ka tirsan dowladda mooyaane, oo iyaguna ku nool magaalda daafaheeda.

Xildhibaanka ayaa xusay in Magaalada gudaheedu ay ammaan tahay , laakiin dadka rayidka ah ay ka baqayaan Al-Shabaab oo Jooga magaalada daafaheeda islamarkaana cid kasta oo magaalada gasha dhibaateynaya, iyadoo ay horey u dhacday sida uu xildhibaanku sheegay in la waxyeelleeyo dad magaalada degay oo dib uga soo laabtay kadib dagaal ka dhacay.

“Waxay ahayd meel halis ah , qof bani’aadam ahna aanuu joogin, waxaad dareemaysaa halis, waxaad dareemaysaa inaad joogto meel la go’doomiyay”, ayuu yiri xildhibaanku mar uu ka hadlayay xaaladda dhabta ah ee magaalada.

Waxa uu intaa ku daray in dadku ay magaalada ku soo laaban karayaan haddii Al-Shabaab laga xoreeyo degaanada ku hareeraysan Ceelbuur oo aaney magaaladu ka maarmeyn, maadaama magaalada aaney marnaba ka maarmi Karin degaanada ku hareereysan oo aaney jirin Ganacsi ka socday iyo goob caafimaad oo ka furan iyo waliba ceelbiyood laga cabo toona magaalad gudaheeda.

Waxa uu xildhibaanku sheegay in laga gaabiyay magaalada marka la eego dowladda Federaalka iyo tan Galmudug labadaba oo uu yiri degaanku waxqabadkii uu u baahnaa ma helin, waxa uu sheegay in waxqabadka ugu horreeya ee degaanku u baahanyahay ay tahay in Al-Shabaab laga xoreeyo degaanka, iyadoo ciidamada Itoobiya ee degaanka joogaana aaney diyaar u ahayn in ay horey u socdaan, balse ay u muuqdaan kuwa doonaya iney magaalada iska joogaan oo kaliya.

Ugu dambeyn dadkii degaanka u dhashay ayaa waxa uu xasuusay in magaaladii Ceelbuur u baahan tahay wax qabad ay ka sameeyaanna ay fure u noqon karto in dowladda Federaalkuna ay wax ka qabato degaanka, dadkii degenaana ay dib ugu soo laabtaan.