U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Galmudug Oo Ku Eedeeyay Puntland Inay Colaad Ka Abuureyso Gobolka Mudug

Sheeko:Baarlamaanka

Iyadoo weli isu gudbitaanka badeecadaha iyo shixnadaha kale ee ganacsi gobollada dhexe iyo kuwa waqooyi ay caqabad ka jirto kadib go’aankii maamulka Puntland uu ku xiray xuduudda uu la wadaago Koonfurta ayaa saameyn ku yeelatay ganacsatada gobollo badan.

Xildhibaan ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug Faysal Axmed Cabdulle oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa maamulka dariskooda ah ku eedeeyay inay gobolka Mudug ka abuureyso colaad cusub.

Wuxuu sheegay in Galmudug aysan cunaqabatayn Karin balse ay is hortaageen dekaddii ay badeecadaha kala soo degi lahaayeen.

“Waxyaabaha ka dhacaya gobolka Mudug, Puntland dhaqdhaqaaqa iyo tallaabooyinka ay ku kacayaan ma ahan dhaqdhaqaaq nabadeed waana dagaal doon, sababtoo ah waxyaabaha ay ku kacayaan waxay ku dhibaateynayaa dadka shacabka ah” ayuu yiri xildhibaan Faysal Axmed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaalinimada in la ilaaliyo ay wanaagsan tahay oo Puntland ay xor ka dhigto ganacsiga gobolladaasi islamarkaana ka xildhibaanno ahaan ay ku baaqayaan in wanaagga laga shaqeeyo.

“Shacabka Galmudug waa dad qani ah waxaase laga faa’iideysanayaa waxa weeye madaxda Galmudug oo hurada, marka waxaan ka qaadaynaa waa dhiiragalin ah inaan dekadeenna Hobyo dhisanno, Puntland cid ay dagaal wax uga qaadayso malahan” ayuu yiri mar kale xildhibaanka Galmudug u hadlay.

Weli waxaa xaniban baabuurtii ganacsiga u kala gudbin jirtay gobollada dhexe iyo kuwa waqooyi sababo la xiriira amarkii Puntland oo ay ku sababeysay in baabuurtaasi ay qeyb ka yihiin falalka ammaan darro ee ka dhaca degaannadeeda.

Goobjoog News