U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Galmudug Oo Sharci Darro Ku Tilmaamy Taargo Cusub Oo Dhowaan Maamulku Sameeyay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil oo ka mid ah mudanayaasha baarlaamaanka Galmudug ayaa sharci darro ku tilmaamay Taargo cusub oo dhowaan maamulka sameeyay.

Wuxuu sheegay Xildhibaanka in hadda Taargadan aysan sharci ahayn, sababtuna wuxuu ku sheegay in aan lasoo marsiin baarlamaanka iyo sidoo kale wasiirada Galmudug, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasaaradda gaadiidka ayuu sheegay xildhibaanka in awood oo kaliya u leedahay iney soo sameyso Taargada, balse baarlamaanka shaqadiisa tahay in uu meelmariyo Taargadaasi, sidoo kalena la meel mariyaa dhaqaalaha la qaadayo.

“Sharci ma ahan Taargadan la sameeyay, waayo xildhibaanno baa jooga, baarlamaankii wax aanu ogeyn ma socon karaan, waxaa la hareer maray Dastuurka Galmudug, shaqo walbo oo la qabanayo waa in golaha baarlamaanka la keenaa, lamana keenin, sidaa darteed shacabka waxaan u sheegaynaa in aysan Taargada cusub ee Galmudugh aaney sharci ahayn” ayuu yiri xildhibaanka.

Hadalka xildhibaan Tahliil ayaa imaanaya xilli dhowaan maamulka Galmudug uu soo bandhigay Taargo cusub oo ay isticmaaali doonaan gaadiidka ku sugan deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Goobjoog News