U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Galmudug Oo Sheegay In Madaxda Maamulkaasi Ay Ku Xadgudbeen Dastuurka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Cali oo kamid ah baarlamaanka Galmudug ayaa ka hadlay wareegto uu maalmo ka hor soo saaray madaxweynaha maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed taasoo lagu hakiyay dhammaan shaqooyinkii Galmudug inta ay socdaan arrimaha doorashooyinka xildhibaannada.

Wuxuu sheegay xildhibaanka in dastuurka Galmudug uusan ku qoreyn in madaxweynaha uu awood u leeyahay joojinta hay’adaha sharciga ah ee dowladda.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in howlaha doorashada labada aqal iyo diyaargarowgeeda uu si heer sare ah u soconayo hase yeeshee ay jiraan cabashooyin madaxda maamulka loo jeedinayo.

Madmadowga jira ayuu sheegay in uu kamid yahay guddiga baarlamaanka ee soo talabixinta aqalka sare oo madaxweynaha Galmudug uu magacaabay taasoo uu ku sifeeyay inay tahay mid aan sharci ahayn.

Dhanka kale, xildhibaanka ka tirsan Galmudug Maxamed Cabdullaahi ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan wareegtada uu shaqada kaga joojiyay madaxweynaha Galmudug hay’adaha maamulka.

“Madaxweyanah wuxuu soo qaatay qodobka 50-aad farqadiisa 7-aad waxaa ku qoran taliyaha guud balse madaxweynaha wuxuu u soo qaatay in baarlamaanka uu shaqada ka joojin karo mana ahan wax dastuurka ku yaalla, Waxaana leenahay Madaxweynaha dastuurka dhowr” ayuu yiri Xildhibaanka.

Wuxuu kaloo tilmaamay in madaxweynaha iyo baarlamaanka ay kala yihiin labo hay’adood oo kala duwan islamarkaana uusan xaq u lahayn in sharcidejintii uu shaqada ka joojiyo.

Madaxweynaha maamulka Galmudug MR. Guuleed ayaa dhowaan hakiyay howlihii maamulkaasi sababo lagu sheegay in xoogga la saaro arrimaha doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ee dowladda cusub.

Goobjoog News