U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Dhaliilay Puntland

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Puntland ku eedeeyay inay qaadanayso masuuliyadda dooni Labo maalin ka hor kusoo caarisay xeebaha gobolka Bari.

Xildhibaan Cumar Ismaaciil oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay qaabkii uu maamulka Puntland shilkaasi uga Jawaabay, wuxuuna sheegay in hantida dadweynaha ay masuul ka Tahay Xukuumadda Puntland si gaar ah wasaaradda Dekedaha, ee aan lagu haleyn Shirkadda Ajnabiga ah ee maamusha Dekedda Magaaladda Boosaaso.

“Hantida doonta saaran waa mid aad u badan, waxay ahayd in doonida la dhageysto maadaama dhib uu haystay, mas’uuliyaddeeda waxaa qaadaya cid walbo oo shaqo ku leh arrimahan oo ay ugu horreyso wasaaradda dekadaha, waxay ahayd in si degdeg ah dekadda loo soo geliyo oo la badbaadiyo hantida doonida saaran” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanka oo hadakiisa sii wara ayaa sheegay bedalkii ay wasaaradda dekadaha is difaaci lahayd ay xilka baneeyaan madaxda wasaaradda maadaama ay muuqato dayacis mas’uuliyaddooda ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu Danbeyna Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi ayaa codsaday in gacan laga geysto sidii gurmad loogu sameyn lahaa badbaada hantida saaran doonidan soo caarisay.

Goobjoog News