U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo u Digay Maamul Goboleedyada

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan ka tirsan gollaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in qodobada kasoo baxay shirkii golaha amniga qaranka ay yihiin kuwa lagu hareermaray Shaqadii Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in sharci darro ay tahay in madaxda federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah  federaalka kulamada ay yeelanayaan oo qodobada inta ay ka soo saaraan aan baarlamaanka la soo marsiinin.

Xildhibaanku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay mudan yihiin in lasoo marsiiyo qodobada ka soo baxa shirarkaasi.

“Howlaha madasha ay qabaneyso waa howlo wadatasho siyaasadeed, wixii go’aammo ah ee ay gaaraan, iyadoo xeereysan waa in baarlamaanka loo gudbiyaa oo uu ka baaraan degaa, laakiin hareer markaan hadda socda oo soo noq noqday wuxuu keenayaa ugu dambeyn in baarlamaanka iyo madasha isku dhacaan, waana arrin u baahan in laga digdoonaado” ayuu yiri xildhibaanka.

Dhanka kale, xildhibaan C/laahi oo hadalkiisa sii wata ayaa ku taliyey in la yareeyo kulamada joogtada ah ee dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, wuxuuna sheegay in waqti badan uu dhumayo xilliyada la kulmayo.

Goobjoog News