U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Hirshabelle Oo Sheegay In Dabageed uu Diyaar u yahay Tanaasulaad

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanka Maxamed Nuur Cirfiid oo ka tirsan kuwa Hirshabelle, kana mid ahaa wafdi xildhibaanno iyo wasiirro ah oo gaaray Baladweyne, si xal looga gaaro khilaaf ka dhashay xil ka qaadistii guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo diiday in uu xilka wareejiyo, Xildhibaanka  ayaa sidoo kale ka warbixiyay xaaladda guud ee magaalada.

Xildhibaan  Cirfiid oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay deggan tahay, dadkuna ay is dhexmarayaan, waxa uuna rajo ka muujiyay in xal laga gaaro arrinta khilaafka dhanka maamulka ee magaalada Balaweyne.

“ Wafdi wasiirro iyo Xildhibaanno isugu jiro ayaa waxaa aan ku aadnay magaalada Baladweyne oo maallmihii la soo dhaafay ay shaqaaqooyin siyaasadeed ay  ka jireen, inaan xal raadinana waxa ay nagu aheyd wax waajib Xildhibaanno iyo wasiirro ahaanba”

Sidoo kale  Xildhibaanka oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay in aysan jirin magaalada in ay ka xiran tahay dadkana ay isku socdaan ayna is dhexmarayaan, assago oo sheegay in ay la kulmeen madaxweyne Waare iyo Ugaas Xasan.

“Sawirkii iyo waxyaabihii naloogu sheegay wax ka duwan ayaan ku aragnay, waxaan la kulanay madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, waxaa aana ka dhageysanay caqabadaha jira, sidoo kale waxaan la kulanay Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan, runtii aad ayuu noo soo dhaweeyay, talooyinkiisa waan ka qaadanay”

Dhanka kale Xildhibaan  Maxamed Nuur Cirfiif ayaa sheegay inuu la soo xariiray Yuusuf Dabageed, asaga oo ku wargaliyay inuu diyaar u yahay inuu wada xaajood galo, aad ayuuna u soo dhoweeyay inaan la kulano “ Xalay ayuu nala soo xariiray, aad ayuuna u soo dhaweeyay inaan la kulano waana ku wajahan nahay”.

Baladweyn ayaa waxaa todobaadyadan ka jiray degenaanshiyo la’aan dhanka siyaasadda ah iyada oo qalalaaso arrintan ka dhashay ay keeneen khasaare naf iyo maaleh.

Goobjoog News