U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Koonfur Galbeed Oo Sheegay In AMISOM Lagula Xisaabtamayo Falkii Ay Maanta Ka Geysteen Buulomareer

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Mahad Cabdi Dhoore oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa si kulul u cambaareeyay fal maanta askar ka tirsan AMISOM ku dileen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Buulomareer ee gobolka Shabellaha Hoose.

Waxa uu tilmaamay in ay aad uga xunyihiin falkaasi lagu dilay dadka shacabka ah, waxaana uu qiray in shacabkaan laga soo dejiyey gaarigii ay saarnaayeen kadibna la toogtay waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waan ka xunnahay in la dilo dad shacab ah oo gaari ay saarnaayeen inta la joojiyo lagala soo dego walibana la toogto” ayuu yiri Xildhibaanka.

“Waan dabagalaynaa, kama hari doonno, AMISOM waxay kasoo bixin doontaa arrintan jawaab degdeg ah” ayuu hadalkiisa raaciyey xildhibaanka.

Sidoo kale Xildhibaan Mahad ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Shabellaha Hoose aanay wax wada shaqeyn ah la lahayn ciidanka dowladda ee ku sugan gobolkaasi.

Askar ka tirsan ciidanka AMISOM ayaa la sheegay in maanta ay dileen dad shacab ah oo gaaraya Afar qof, waxaana dadka la dilay ka mid ahaa Haweeney 80 sano jir ah iyo sidoo kale gabar 9-sano jirta.

Goobjoog News