U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Puntland oo Difaacay Kaalintooda Gurmadka Abaaraha

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maxamuud Faarax oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa si adag u difaacay xildhibaannada maamulkooda oo uu sheegay in ay ka qeybqaateen gurmadka abaaraha ee deegannada Puntland.

Maxamuud Faarax Warsame oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga wada qeyb qaato sidii loo caawin lahaa dadka ay abaaruhu sameyeen, maamulka puntland uu qeyb ka yahay howlahaasi.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn ka hadlay qaabka ay abaaraha uga qeybqaateen iyo sababta loo maqli waayay kaalintooda abaaraha:

“Xildhibaannadii gurmad bay ku jiraan qaran, biyo dhaamis bay ku jiraan, guddiyada abaaraha ayay ka mid yihiin, Karkaar iyo Gobolka Bari xildhibaannadii way jiraan, guddiyay ku kala jiraan, guddiga abaaraha iyo arrimaha gudaha, guddiga xanaanada xoolaha, guddiga arrimaha bulshada guddiyadaas ayaa howshaa iska leh”.

Waxa uu sheegay in howsha ay hayaan ay tahay mid iska cad: “Xildhibaannad howshoodu way iska caddahay waa kormeer iyo xeerdejin, waxay la xisaabtamaan xukuumadda, howshii waa howl xukuumadeed, shakhsi walbaaba wixii uu hayo ayuu ku deeqaa, shaqadeennii waa wadanaa ee markhaati ka noqda”.

Xildhibaanka ayaan wax ka weydiinnay halka uu ku dambeeyay 1-milyan oo dollar oo xukuumadda Puntland ugu deeqday abaaraha, waxa uuna ku jawaabay:

“Xukuumaddu halkaa Milayn oo ay ku deeqday bishii waxa uu ahaa 2 boqol, waxaa howshaa loo xilsaaray guddi isku dhaf ah oo xildhibaannada iyo xukuumadda ah, lacagtaasna xisaabteeda iyo warbixnteeda waxaan ka sugeynaa xubnaha xildhibaannada ugu jira gurmadka ayaan ka sugeynaa iyo culumadii oo gurmad muhiim ah ku jira, rag baa howshaa noogu maqan natiijadana iyagaa noo keenaya”.

Baarlamaanka Puntland ayaa kalfadhigiisu uu xiran yahay muddo 20 cisho ah oo aan la iskugu iman wax kalafadhi ah, iyado sida uu xildhibaankani noo sheegay loo kala baxay kormeer iyo gurmad laga geysanayo abaaraha xooggan ee ku dhuftay maamulkooda.

Goobjoog News