U bood dhigaalka

Puntland Oo Qiratay In Xildhibaan Ka Tirsan Uu Gacanta u Galay Somaliland

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhoobo oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay inuu jiro xildhibaan ka tirsan baarlamaankooda oo gacanta u galay maamulka Somaliland.

Xildhibaanka oo ka qeybgalay kulan  looga hadlayay ammaanka gobolka Sool  ee dagaalku uu ku dhaxmaray ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland oo lagu qabtay magaalada Garoowe.

Inta uu socday kulankan ayaa  xubnahii ka qayb  galay waxa ay ku soo bandhigeen qaabka ciidamada Somaliland gacanta ay ugu  dhigeen xildhibaan ka tirsan  Barlamaanka Maamulkaas.

Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo ayaa xaqiijiyay in uu jiro xildhibaan Puntland ah oo gacanta u galay Somaliland:”Xildhibaanku nin dagaalka ku jiray muu ahayn, meeshii laga soo dooran jiray ayaana lagu qabtay, isagoo waddo maraya ayuunbay qabteen, waana jiraa”, waana sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaankan ay Somaliland gacanta ku dhigtay ayaa lagu magacaabaa Xildhibaan Maxamed Faarax Aadan Canjeex, kaas oo illaa hadda ku jira gacanta maamulka Somaliland.

Maalintii shalay ayaa waxaa dhacay dagaal u dhexeeya Somaliland iyo Puntland  deegaanka Dhahar ee gobolka Sool, kaas oo ay ka dhalatay dhimasho, dhaawac, barakac, maxaabiisna lagu kala qabsaday, iyadoo illaa hadda la isku hor fadhiyo deegaanadii lagu dagaalamayay.

Goobjoog News