U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Puntland oo Ka Hadlay Sababta aan Gaalkacyo Loo Geyn Karin Ciidamo Federaal ah

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Saadaq Abshir Garaad oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay inaan hadda Gaalkacyo la geyn karin ciidan federaal ah oo suga nabadda isagoo tilmamaay inaan dalku lahayn ciidan federaal ah oo heshiis lagu yahay.

Xildhibaanka oo aan la yeelanay warsigan isagoo ku sugan xarunta Puntlanad ee Garoowe, ayaa ugu horreyn ka hadlay sida uu uga xunyahay dagaalka ka socda Gaalkacyo:

“Aadbaan uga xumahay in maanta degmo ka tirsan Soomaaliya barakac ka dhaco, nabadgalyo darro ka dhaco, dagaal sokeeye ka dhaco, dad walaalo ah daris ah iyagu dadka iskugu xiga intii meel wadataalla ayaa dadka isugu xigta, sumadahan kale iyo waxyaabaha caqli xumadaha ahaa ee qabqable yaashii iyo jabhadihii habka qabiil loo dhisay oo Soomaaliya qaranimadooda ay ku weerareen ee sumadaha qabiilka dadka u kala sameeyeen wax nasiibdarro ah weeye, waxaan is lahaa in wakhtigii Soomaaliya heshiin lahayd deganaanshiyaha iyo amniga kor u sii kici lahaa la gaaray,  waxaan aaminsanahay cid kasta oo nabadgalyo darro ka shaqeynaysa oo is leh waad qarsoon tahay; ma qarsoona”, ayuu yiri xildhibaan Saadaq.

Waxa uu ku baaqay in dagaalka la joojiyo maadaama mar kasta lagu khasban yahay in la heshiiyo;

“Waxaan ku baaqayaa dad islaam ah ayaan nahay Soomaali baan nahay, lakala guuri mayo dad is leh baan nahay, lama kala adkaan karo; haddii Soomaali kala adkaan karto horey u kala adkaan lahayd, qof baa dhimanaya mid kalaa dhimanaya waa la barakacayaa, waxaa lagu khasbanaan doonaa khasaare kastaa oo dhaca in nabad la raadiyo, waxaan ku baaqayaa in caqligu shaqeeyo, madaxdu col maaha shirarka siyaasadda waa la wadafadhiyaa, shacabku macno darro ayay ku dhamaanayaan”.

Xildhibaanku waxa uu shaki geliyay in ciidan federaal ah oo heshiis lagu yahay inuu dalka ka jiro, waxa uuna yiri:

“Ciidan Federaal ah oo dhex dhexaad ah oo isku dhafan oo heshiis lagu yahay ma jiro marka dowladda federaalku marka ay ciidamo adeegsaneyso waxaa ka horreysa horta ciidan qaran oo astaan qaran leh oo midnimo qaran ka muuqato oo u dhanyihiin gobollada Soomaaliya oo markii hore nidaam sharci oo la isla ogyahay lagu qoray markaas ayay dowladdu adeegsan kartaan xaqna u yeelneysaa dalka oo dhan iney ciidamo geyso, laakiin ciidan isagu xasaasiyad keenaya oo magac qaranna ku tilmaaman sawir beeleedna yeelan kara, kaasi waxba tari maayo”.

Si kastaba, Magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa ka bilowday 7-dii bishan dagaallo soo noqnoqday oo u dhexeeya maamullada Puntland iyo Galmudug, waana ku geeriyooday dad kor u dhaafaya 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tobanaan kale, barakaca dagaalka ka dhashay ayaa gaaray illaa 50,000 (Konton kun ) oo qof, waana sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Goobjoog News