U bood dhigaalka

Xildhibaan ka Tirsan Somaliland oo Sheegay In Lacag Loo Adeegsaday Ansixinta Heshiiska DP world

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland kana mid ah xildhibaanno diiddan heshiiska xukuumadda Somaliland ay la gashay shirkadda DP World ee maalgashiga dekedda Berbera, ayaa ku hanjabay in isaga iyo xildhibaanada la fikirka ah ay furi doonaan dacwad maxakamadeed oo dalka gudihiisa ah, haddii taasi socon weydana ay mid caalami ah la tiigsan doonaan.

Xildhibaankan oo Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu ka niyad jabsan yahay qaabka xukuumadda Somaliland, oo uu yiri xildhibaanno tiro badan ayay lacag ku laaluusheen si ay ugu codeeyaan ansixinta heshiiska DP world .

Xildhibaan Qabile ayaa ka yiri arrintaasi; ” aniga iyo xildhibaanno kale waxaanu diidanahay sharci duminta lagu wado dalka iyo in la qaato hantidii umadda, xukuumaddu lacag ayey bixisay badan waliba waxa qaatay xildhibanno danahooda un eegta oo aan dalka waxba ugu fadhiyin , aniga iyo xildhibaanno kaleba dacwad ayaanu furan, waxaanu dunida u sheegaynaa in cadaaladii la iibsaday”.

Xildhibaan Qabile waxa uu sheegay in golaha uu ka midka yahay ay xildhibaanadu  lumiyeen kalsoondii shacabku ku doorteen madaama ay lacago ku qaateen ansixinta sida uu sheegay  xeerar iyo heshiisyo sharciga iyo danta Soomaaliland duminaya .

Maalinimadii shalay ayaa golaha wakiilada Somaliland ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen heshiiska DP world ee maalgashiga dekedda Berbera.

Goobjoog News