U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaankii 9-aad Oo Ku Geeriyooday Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Goor dhow waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cali Cumar Nuur oo kamid ahaa xildhibaannada baarlamaankii 9-aad ee dalka.

C/raxmaan Cawle oo ah madaxa amniga ahna maareeye ku xigeenka garoonka Aadan Caddde ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in uu u dhintay mudanahan, walibana uu u dhintay xanuun dhanka wadnaha ah, waxaana garoonka la doonayey in laga qaado si dalka dibadiisa loogu soo daweeyo.

Xildhibaan hore Cali Cumar Nuur ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay dareemayey xanuun dhanka wadnaha ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News