U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Warbixiyey Sharciga Dowladaha Hoose Ee K/galbeed

Sheeko:Dalka

Xildhibaan C/qaadir C/raxmaan Cali oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulka K/galbeed ayaa ka warbixiyey sharciga dowladaha hoose oo dhowaan ay uu meelmariyey baarlamaanka maamulkaasi.

Xildhibaanka oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in sharcigan uu yahay mid aad u muhiim ah, islamarkaana usii gogolxaaraya doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.

Sharigan ayuu sheegay inaanu ahayn mid kasoo maaxay K/galbeed, balse dowladda Federaalka ay u qeybisay dhammaan maamul goboleedyada si dadka deegaanka ay u doortaan hoggaankooda.

“Sharcigaan waa mid aad u muhiim ah, waxaana inoo keenay dowladda Federraalka maadaama dalka uu wajihi doono doorasho qof iyo cod ah, sharcigaan waa in dadka ay soo doortaan maaamulkooda, waxaa jiray qodobo aan wax ka bedalnay sida canshuuraha, balse waxaan ku faraxsannahay inaan noqonno maamulkii ugu horreeyay ee sharcigan meelmariya” ayuu yiri xildhibaanka.

Shan degmo oo kamid ah gobollada Baay, Bakool iyo Sh/hoose waxaa 10-ka bishan la filayaa iney ka dhacdo doorasho dadka ay ku dooran doonaan hoggaankooda.

Goobjoog News