U bood dhigaalka

Xildhibaan Kahor Yimid Doorashadii Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Ee Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo kamid ah xildhibaannada golaha shacabka ayaa kahor yimid doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu doortay guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay xildhibaanka inuu ahaa isaga musharrax u taagan xilkaasi, laguna wargeliyey doorashada iney dhici doonto maanta oo Isniin ah, balse laga hormariyey waqtigeedii.

Sidoo kale wuxuu sheegay xildhibaanka in la gacan bidixeeyey doorashadaasi, islamarkaana ay la yaab ku noqotay markii ay dhacday doorashadan.

“Waxaan u arkaa arrintaan mid sharci darro ah oo nin xuquuqdii uu la lahaa la duudsiiyey, waxaa tani ka dambeeya Labada guddoomiye ku xigeen, Isniinta ayeey ahayd in doorashada ay dhacayso, balse waa laga horumariyey” ayuu yiri xildhibaan Nuuraani.

Ugu dambeyn xildhibaanka ayaa ku baaqay in maanta oo Isniin ah dib loo qabto doorashada guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha iyo ganacsiga baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoog News