U bood dhigaalka

Xildhibaan Kahor Yimid Go’aankii Uu Soo Saaray Gudoomiye Jawaari

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cumar Cali oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in guddoonka baarlamaanka uu isticmaalay awood uusan isagu lahayn, isaga oo kahor yimid qoraalkii kasoo baxay guddonka baarlamaanka ee ku aadan wada hadal laga gelayo mooshinka madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu tilmaamay in Dastuurka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka aanu gudoomiyaha Baarlamaanka siineyn awood uu meesha uga saari karo mooshin islamarkaana uu go’aano ku qaadanayo.

“Gudoomiyaha waxa uu soo saaray qoraal uu ku leeyahay mooshinkii waxaa looga gudbay wada hadal, gudoomiyaha lagama fileyn hadalkaasi, waxaan u haysannay nin sharci yaqaan ah, sharciyaddana dalka uu ku hogaamin doono, waxyaabaha uu xalay soo saaray oo kale inay kasoo baxayaan umaanan haysan, arinkaan sharciyan dhan walba marka laga eego waa qalad, isaga xaq uma lahan Dastuurka, Xeer Hoosaadka iyo shuruucda dalka u yaalla ma jirto meel xaq u siinaysa inuu Mooshin haysto Laba Bil, mooshinka wado sax ah ayuu haystaa, waana la ogyahay meesha ay wadadaasi tagayso” ayuu yiri Xildhibaanka

Xildhibaan Cumar ayaa been abuur ku sheegay in mudanayaal ka mid ahaa saxiixayaasha mooshinka ay dib uga laabteen, waxaana uu tilmaamay in ka laabashada mooshinka ay furan tahay kahor inta aan loo gudbin guddonka Baarlamaanka.

“Xildhibaanka mooshinka saxiixayo waa in uusan saxiixin isaga oo aan fahmin waxa meesha ku qoran, arkaa eedeynta, waayo waxa uu matalayaa shacabka, xildhibaanka mar hadii uu saxiixo, misane guddonka loo gudbiyo lagama laaban karo”

“Waxaa qalad ah marna aan sharci waafaqsaneyn, in gudoomiyahii baarlamaanka isku bedalo gudoomiyahii maxkamadda Dastuuriga ah, isaga shaqo kuma lahan, sax iyo qalad waxa dhihi kara waa Maxkamadda, cid walba oo sharci yaqaan ah waad weydiin kartaan” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Cumar

Ugu dambeyn xildhibaan Cumar Cali ayaa sheegay in marnaba aysan dib uga laaban doonin mooshinkooda, illaa baarlamaanka lahor keeno, misane codka la geliyo.

“Mooshinkaasi waa la geeyay wuuna taagnaan doonaa, illaa wadada sharciga ah laga mariyo, madaxweynaha iyo kooxdiisa waxaa laga rabaa in ay wadada saxda ah maraan, baarlamaanka la keeno mooshinka, codkana la qaado”

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan ku aadan sida laga yeelayo mooshinka, isaga oo tilmaamay in bisha soo socta ee October la billaabayo wada hadal dhanka mooshinka ah.

Goobjoog News