U bood dhigaalka

Xildhibaan Kale Oo Isku Soo Sharraxay Jagada Guddomiyaha Golaha Shacabka

Sheeko:Dalka

Cali Sheekh Maxamed Nuur oo ah xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka ayaa sheegay in uu yahay musharrax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha golaha Shacabka.

Cali Sheekh Maxamed Nuur oo ka hadlaya musharraxnimadiisa waxaa uu yiri.

“ Sidaad la socotaan waxaa banaanaaday Kursigii Guddoomiayah golaha Shacabka, sida sharciga uu tilmaamayo waa in 15 maalmood gudahood lagu buuxiyaa xilka Guddoomiyanimo, waxaa igu kalifay inaan isku soo sharraxo xilkan culus ka dib markii aan arkay howlaha muhimka ah ee horyaalla dowladda Soomaaliyeed.

Waxaan maanta sicad u sheegayaa in aan ahay musharrax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha golaha Shacabka”.

Xildhibaan Cali Sheekh maxamed ayaa noqonaya qofkii 5-aad oo isku soo sharraxa qabashada guddoomiyaha golaha Shacabka, waxaa horay xilkaan iskugu soo sharraxay wasiirka gaashaadhigga Maxmed Mursal Sheekh Ibraahim, wasiirka Korontada iyo Biyaha Saalin Caliyow Ibrow, Xildhibaan Aadan Madoobe iyo Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla.

Goobjoog News